Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha ee caadiga ahaa.
Ugu horayn gudiga maaraynta arimaha dhulka oo uu madax ka yahay Madaxweyne ku xigeenka koobad ayaa ka warbixiyay halka ay howshoodu marayso iyagoo sheegay in muwaadiniin badan ay isku diiwaan galinayaan sharciyaynta dhulka isagoo sharaxay caqabadaha ilaa hada ka horyimid iyi sida ay u mareeyeen inkastoo si wanaagsan ay wax ku socdaan.
Sidoo kale gudiga dib u habaynta dhaqaalaha oo uu madax u yahay Madaxweyne ku xigeenka labaad ayaa sheegay in howlaha kobcinta dhaqaalaha iyo uruurintoodu ay dardar ku socoto isla markana hay’ado badan oo lacago Canshuuro ah ay ku baaqan jireen hada laga qaado dhamaana salka loo dhigay hanaanka ilaha dakhliga ee Degmada Kismaayo ee Caasimada KMG kadibna guud ahaan dalka laga fulinayo.
Wasaarada macdanta iyo biyaha ayaa soo bandhigtay hanaanka helida biyaha wanaagsan kaas oo dib u habayn lagu samaybayo qaabkii magaalooyinku ay biyaha ku heli jireen isla markana xooga lasaarayo goobaha ay faganyihiin dadka kasoo laabtay xeryaha qoxootiga iyo kuwa gudaha wadanka ku barakacay.
Wasaaradaha Ganacsiga iyo Xanaanada xoolaha ayaa iyaguna soo bandhigay shaqooyin maalmeedkooda ay maalmahan ku mashquulsanayeen gaar ahaan Bandhiga Carwada Ganacsiga Jubbaland.
Â