Wednesday, May 1, 2024
HomeDhageysiDhageyso:- Maxkmadda Gobolka Togdheer Oo Xukuntay Rag Lagu Soo Qabtay Dhalooyin Khamri...

Dhageyso:- Maxkmadda Gobolka Togdheer Oo Xukuntay Rag Lagu Soo Qabtay Dhalooyin Khamri Ah

Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Ee Soomaaliland Ayaa Ku Bur-Buriyey Gudaha Maxkmadda Togdheer 439 Dhalo Oo Khamri Waxa Ayna Maxkmaddu Xukun Ku Riday Labo Eedeysane Oo Khmarigan Lagu Soo Qabtay Taas Oo Ku Xukuntay Saddex Sano Oo Xarig Ah Iyo Min 3 Milyan Oo Ah Shilinka Soomaaliland.

Ugu Horreyn Goobta Lagu Bur-Buriyey Khamriga Waxaa Ka Hadlay Garsooraha Maxkmadda Gobolka Togdheer IimaanIimaan batuun Iyo Cali Dhaqane Oo Isna Ka Mid Ah Xeer Ilaalinta Gobolka.

Garsooraha Maxkmadda Gobolka Togdheer Waxa Uu Sheegay In Xukunkaas Ku Dhacay Ragga Lagu Soo Qabtay Dhalooyinkan Khamriga Ah Uu Yahay Mid Cadaalad Ah.

Dhinaca Kale Waxaa Iyana Goobta Ka hadlay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Iyo Qaar ka Mid Ah Taliyaasha Saldhiga Gobolka Togdheer Ee Soomaaliland Waxa Ayna Sheegeen In had Iyo Jeer Ciidanka Boliiska Uu Heegan Ugu Jiro Sidii Uu Gacanta Ugu Soo Dhigi Lahaa Dad Ka Ganacsada Waxyaabaha Maanka Dooriya.

 

Hoos Ka Dhageyso Codadka Oo Dhameystiran:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe