Home Warar Booliiska Yaaqshiid Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Lagu Eedeeyey Dhaca Dadweynaha

Booliiska Yaaqshiid Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Lagu Eedeeyey Dhaca Dadweynaha

419

Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay Sawirka mid ka mid ah Koox hubeysan oo lagu eedeeyay in ay dadka Taleefannada ka dhici jireen.

Maamulka waxaa uu sheegay in Raggan oo labo ahaa mid ka mid ah ay Booliska dhaawaceen sidaasna gacanta loogu dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabullahi Tuulax ayaa Facebook uu leeyahay ku qoray in Ciidamada amaanka ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan Ragga burcadda ah.

Magaalada Muqdisho dhorkii bilood ee la soo dhaafay waxaa ku badanayay Dhallinyaro wata mooto Bajaaj oo dhacayay Taleefannada, sidoo kalena mararka qaar u dhacayay Guryaha xilliga Habeenkii ah.

Dowladda Soomaaliya oo arrintaas ka falcelisay ayaa Boolis farabadan ku daadisay Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.