Thursday, May 15, 2025
HomeWararSAWIRRO:- Maxaa kajira in Mareykanku Balaariyay Saldhiggiisa Soomaaliya?

SAWIRRO:- Maxaa kajira in Mareykanku Balaariyay Saldhiggiisa Soomaaliya?

Wargeyska  lagu Magacaabo Vice News ayaa shaaciyay in dowladda Mareykanka ay si weyn u ballaarisay Saldhigga ay ku leedahay gobolka Shabeellaha Hoose iyo Gaar ahaan degaanka lagu magacaabo Balli doogle.

Warbixin laga qoray Saldhigga ayaa lagu faahfaahiyaywaxyaabaha ugu weyn ee uu ka qabto Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in  ay tahay la dagaallanka Argagixisada .

Wargeyska Warbixintaan qoray ayaa sheegay in gudaha Saldhigga laga dhisay dhismayeyaal cusub oo ka badan kuwii horay u dhisnaa.

Gudaha Saldhigga Bali doogle ayaa waxaa lagu soo kordhiyay  qalab Casi iyo  800 oo Sariirood,in kabadn 200 oo ka mid ah sariirahaas waa la dhameystiray, waxaana filayaa in sariirahaas ay jiifsadaan askar iyo saraakiil American ah.

Degaanka Balli doogle ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay wargeysku in uu yahay Saldhigga Saddexaad ee ugu weyn dowladda Mareykanka Saldhigyadeeda  Afrika.

Saldhigga ayaa waxaa ku sugan ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ameerikaan, waxaana halkaasi ay ka qaadaan howlgalladda ka dhanka Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii lasoo dhaafay laba jibaartay duqeymaha dhanka Cirka ah ee ay la beegsaneyso dagaalyahanada Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe