Wednesday, January 15, 2025
HomeWararQM Oo Dalbatay in la sii daayo caruur lagu afduubtay Soomaaliya.

QM Oo Dalbatay in la sii daayo caruur lagu afduubtay Soomaaliya.

Khabiir ku takhasusay xuquuqda aadanaha  ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan carruurtii la afduubtay ama loo qorey dagaal hubaysan Gudaha Soomaaliya.

Bahame Tom Nyanduga, oo ah khabiir madax-bannaan oo Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale dhalleeceeyay weerarradii Al-Shabaab ee dhowaan ka dhacay Soomaaliya.

Waxaa  uu booriyay tallaabada lagu joojinayo isticmaalka carruurta ee isku dhacyadda  hubaysan “Afduubka carruurta ee Al-Shabaab iyo qorista  ciidamada ammaanka ee dowladda ku jira colaadaha hubaysan waxay ka dhigan tahay xad-gudub daran oo ku yimid xuquuqda carruurta,” ayuu yiri  Nyanduga.

Khabiirka xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta in ay hadda tallaabo u qaadaan sidii loo joojin lahaa in aan carruurta loo adeegsan dagaal, isagoo ugu baaqay xukuumadda in ay dhisto xarumo dhaqan celin si wax looga qabto dhibaatada carruurta ee lala xiriirinayo Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe