Home Dhageysi Dhagayso:-Mashaariic Hormarineed Oo Maanta Laga Fuliyay Magaalada Cadaado

Dhagayso:-Mashaariic Hormarineed Oo Maanta Laga Fuliyay Magaalada Cadaado

1653

Mashruucaani Oo Qaybo Kamida Wadooyinka Waawayn Ee mara Xaafadaha Magaalada Cadaado looga Hirgalinayay layrka solar Systemka Ayaa Waxaa Kaqaybgalay Masuuliyiin Katirsam Maamulka Galmudug, Maamulka Dagmada  Cadaado, Madaxwaynihii Hore Ee Ximan Iyi Xeeb Maxamed c/llahi Aadan Tiicey, Ururada Bulshada Rayidka Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Hirgalinta Mashruucaani Ayaana Waxaa Fulinayay Maamulka Dagmada Cadaado Oo Kaashanayay Dawlada Fidraalka Soomaaliya.

Ugu Horayn Waxaa Goobta Ay kasocotay Hirgalinta Mashruucaasi  Kahadlay Gudoomiyaha Dagmada cadaado C/llahi C/Raxmaan Xuseen Tootoole  Waxa uuna  umahdciliyay Masuuliyiin Katirsan Dawlada Fidraalka Oo Uu Ugu Horeeyo Raysal Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Qayre Oo ugu Deeqay Maamulka Dagmada Cadaado KU Dhawaad 100 Xabo Oo soolarka ah waxa uuna sheegay Gudoomiyaha in Xiligaani Qayb kamida ay soogaareen .

Qaar Kamida Wariirada maamulka Galmudug Oo Dhankkoda Hadlay Ayaa Uga Mahad Ciliyay Dawlada Soomaaliya Iyo Cidkasta Oo Gacan Kagaysatay Hirgalinta Mashruucaani.

Madaxwaynihii Hore Ee Maamulkii Ximan Iyo Xeeb  Ayaa Dhankiisa U mahad Ciliyay Dawlada Somaliya Dadka Cadaadana Ku Booriyay In ay Qalabkaani Ilaashadaan.

Ugu Dambayn Qaar Kamida Bulshada Magaalada Cadado Oo Lahadlay Warfidiyeenka Ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay u ilaashan lahaayeen Qalabkan Maanta Laga Hir Galiyay Magaalada Cadado.

Halkaan kadhagayso Codka: