Home Warar SAWIRRO: Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya Oo Xarrigga ka jaray Safaaradda Jabuuti ee...

SAWIRRO: Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya Oo Xarrigga ka jaray Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho

111

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Labada Madaxweyne oo is garab taagan ayaa si wada jir ah xarigga u jaray dhismaha safaaradda jabuuti oo laga dhisay dhul istiraa tiiji ah oo ku yaalla degmada C/Casiis ee Magaalada muqdisho, kaasi oo la dhagax dhigay Sanadkii 2017-kii.

Munaasabadda Xarig jararka oo lagu qabtay gudaha dhismaha Cusub ee Safaaradda Jabuuti, waxaa ka soo qeyb galay, Madaxda ugu sareysa Dawladda, Wasiiro, Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka, Maamulka Gobolka Banaadir, Safiiradda Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya, Wafiga dawladda jabuuti oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano, Fanaaniin iyo marti sharaf kale.

Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Magaalada muqdisho, ayaa noqoneysa safaaradda ugu weyn ee dalka afrika ku yaali uu ku leeyahay Soomaaliya, waana safaaradda labaada ee ugu weyn safaardaha ku yaalla Magaalada muqdisho.