Home Warar Madaxweyne Geelle Oo Qodbad U jeedinaya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweyne Geelle Oo Qodbad U jeedinaya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

87

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil cumar Geelle, oo xalay ku hoyday magaalada muqdisho ayaa la filayaa inuu maanta ka qeyb galo kulan ay iskugu imaanayaan Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu wargaliyay in uu jiro kulan deg deg ah, maadaama Xildhibaanada ay haatan fasax ku jiraan oo ay xirnaayeen kal-fadhiyada Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

Kulanka Xildhibaanada ee uu ka qeyb galayo madaxweyne Geelle, ayaa lagu qabanayaa Xarunta Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho, waxaana Ajandaha Kulanka uu yahay hadal jeedinta Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho rasmiya ku jooga Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle, ayaa marka uu hortago Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Dawladda federaalka Soomaaliya, waxaa uu jeedin doonaa qodob gaara oo loogu talagalay kulanka Xildhibaanadda.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil cumar Geelle, ayaa shalay booqasho ku yimid magaalada muqdisho, waxaana xalay ilaa shalay uu kulamo la qaatay Madaxda sare ee dalka, iyadoo madaxweynaha iyo waftigiisa xalay casho sharaf loogu sameeyay xarunta madaxtooyadda ee Villa Somalia.