Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa hadda gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona Shir ay yeelan doonaan Madaxda maamul goboleedyadda oo lagu waddo in uu ka furmo Magaaladaasi.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa lagu sharaxay Calamadda maamuladda Koonfur Galbeed ,Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.