Tuesday, March 18, 2025
HomeWararAKHRISO:- Maamulka Jubbaland Oo ka Maqan Shirka Arrimaha Destuurka Ee Muqdisho.

AKHRISO:- Maamulka Jubbaland Oo ka Maqan Shirka Arrimaha Destuurka Ee Muqdisho.

Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka ee Maanta ka furmay Magaalada Muqdishoi,islamarkaana ay ka qeyb galayaan maamul goboleeyadda, dowladda Dhexe iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa waxaa diiday in ay ka qeyb galaan maamulka Jubbaland.

Xubno Socda maamulka Jubbaland ayaa maanta soo xaadirin Shirweynaha ka furmay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa sheegay in aanan ka qeyb gali doonin shirka looga hadlayo Arrimaha Dastuurka ee maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee, wasiirka ayaan sheegin Sababaha rasmi ah ee uu maamulka Jubbaland ku diidan yahay shirka oo ay u qaadaceen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa xaqiijiyay in ay shirka kaga baaqdeen Khilaaf u dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Jubbaland.

Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin go’aanka Wasaaradda Dastuurka Maamulka Jubbalnad ay ku sheegtay in aanan ka qeyb galin shirka loogaga hadlayo arrimaha Dastuurka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe