Thursday, April 18, 2024
HomeWararAMISOM Oo Billado Guddoonsiisay Saraakiil ka tirsan Midowga Europe

AMISOM Oo Billado Guddoonsiisay Saraakiil ka tirsan Midowga Europe

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa billado guddoonsiiyay saraakiil ka tirsanaa howlgalka Midowga Europe ee Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya,  Francisco Madeira,ayaa billado guddoonsiiyay labo ka mid ah saraakiisha Midowga Europe ee howlgalka Soomaaliya oo shaqdooda dhameystay.

Labada sarkaal ee billad sharafeedka la guddoonsiiyay waxaa ay kala yihiin Brigadier General, Pietro Addis, oo ahaa madaxa howlgalka Midowga Europe ee Soomaaliya  (EUTM) iyo   Jean Michelle Detarguiette, oo ahaa Lataliyihii dhinaca siyaasadda ee howlgalka  (EUTM).

Danjire Madeira,ayaa saraakiishan uga mahad celiyay kaalintii ay ku lahaayeen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,waxaa uu u rajeeyay in ay si wanaagsan u gutaan shaqooyinkooda xiga.

Waxaa uu sidoo kale u mahad celiyay 28ka xubnood ee ku jira Midowga Europe isaga oo ku tilmaamay in ay yihiin taageere xoog leh oo kaalmeeya howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa la guddoonsiiyay billado iyo shahaadooyin,waxaana ay ka mahad celiyeen intii ay howlgalka ku jireen.

General Addis,oo ka mid ah saraakiisha billadaha qaatay ayaa sheegay in howlgalka Soomaaliya uu ku soo biiray 1dii July 2017 uuna ku faraxsanyahay shaqada uu qabtay.

Midowga Europe waa maalgeliyaha ugu weyn howlgalka AMISOM,waxaana howlgalkan uga baxday lacag dhan 1.5Biylan oo Euro taas oo loo mariyay Sanduuqa fududeynta Nabadda Afrika ee APF.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe