Home Dhageysi SAWIRRO:-DHAGEYSO:- Madaxweynaha Galmudug oo Si weyn Loogu Soo Dhaweeyay Dhuusamareeb.

SAWIRRO:-DHAGEYSO:- Madaxweynaha Galmudug oo Si weyn Loogu Soo Dhaweeyay Dhuusamareeb.

597

Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada caasimadda uh galmudug ee Dhuusamareeb.

Wafdigii dowlad goboleedka Galmudug uga qeyb galay shirkii Golaha Aminga ee Magaalada Baydhabo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur, Cutubyo ka tirsan ciidamada, Masuuliyiin iyo qeybaha Bulshada ayaa halkaas ku soo dhaweeyey.

Madaxweyne Xaaf ayaa wajahaya Mucaarado xooggan oo kaga imaanaysa Qaar ka mid ah Madaxda Sare Galmudug, waxaana Magaalada Cadaado ku sugan xildhibaanada Galmudug oo gaaraya tiro ay kooram ku qabsan karaan, arintaas oo walaac badan ku abuurtay Madaxweyne Xaaf.

Halkaan Warbixin Ka Dhageyso