Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo qodobadii ka soo baxay Shirka loona baahan yahay in dhamaan madaxda dowladdda iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ka shaqeeyaan dhaqan gelintooda.
Waxa uu sidoo kale sheegayin la xoojiyo qodobada amniga iyo Siyaasada oo uu ku sheegay in ay ahaayeen qodobadii ugu muhiimsanaa ee Shirka ka soo baxay.
Axmed Madobe ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa Xasilooni Siyaasadeed iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu Maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo isaga oo ka soo laabtay Magaalada Baydhabo oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Golaha Amniga Qaranka.