Home Warar SAWIRRO:- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka DFS Oo Guddomiyey Shir Caalami ah Oo...

SAWIRRO:- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka DFS Oo Guddomiyey Shir Caalami ah Oo ka dhacay Muqdisho.

341

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shir gudoomiyay shir looga hadlayo Mashaariicyada horumarineed ee Dalka laga fuliyo iyo u diyaar garowga shirka ka dhici doona Magaalada Brussels ee cariga Belgium-ka Bishan dhammaadkeeda, kaasi oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirkan Waxaana ka qeyb-galaya qaar ka mid Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madax ka socota Maamul-Gobolleedyada iyo Beesha Caalamka.

ShirkaWaxyaabaha sida weyn looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah muhiimada ay u leeadahay Mashaariicda hormaruneed ee hadda laga wado dalka iyo qorshayaasha lala hortagi lahaa Shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Dalka Belgium-ka inta u dhaxeysa 25—26 bishan June 2018-ka.