Wednesday, June 24, 2026
HomeWararSawirro:-Kalfadhiga 5aad Ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Maanta Si Rasmi ah Loo Furay

Sawirro:-Kalfadhiga 5aad Ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Maanta Si Rasmi ah Loo Furay

Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Maanta ka furmay Kalfadhiga 5 aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleed  Hirshabelle oo bilihii u dambeysay fasax ku jiray.

Kulanka ayaa waxaa furay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle,waxaana goobjoog ka ah Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle,Guddoomiyaha Baaramaanka iyo labadiisa kuxigeen Xubno k atirsan labada Gole ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa la hadal hayay in dib loo dhigay furitaanka Kalfadhiga 5 aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleed  Hirshabelle,hayeeshee uu maanta sirasmi ah u furay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Maalin ka hor ayaa Madaxweyne Waare waxa uu isku-shaandheyn  ku sameeyay Golihiisa wasiirada,waxana jiray xildhibaano kasoo horjeeday Xubnaha Wasiirada uu Magacaabay oo Xildhibaano u badan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe