Sunday, March 23, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Dadkii Kasoo Barakacay Dhulka Somali State Oo Dib Uga Laabtay balan-Bale

Dhageyso:- Dadkii Kasoo Barakacay Dhulka Somali State Oo Dib Uga Laabtay balan-Bale

Degmada Balan-Bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Waxa Ay Ka Mid Tahay Meelihii Ay Usoo Barakaceen Dadkii Kasoo Baxay Dhulka Maamulka Soomaali state Kuwaas Oo In Muddo Ah Ku Sugan Gudaha Magaaladaasi balan-Bale.

Balse Dadkaas Ayaa Qaarkood lagu Soo Warramayaa In Ay Dib Ugu Laabteen Deegaanadii Ay Markii Hore Kasoo Barakaceen Wallow Ay Weli Jiraan Qoysas Ku Sugan Gudaha Degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Balan-Bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud Jaamac Xeyle Max’d Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ayaa Sheegay In Dadkaas markoodii Hore Ay Kasoo Carareen cadaadis Ay Kala Kulmayeen Maamulkii Hore Ee Cabdi Max’ud Cumar.

Waxa Uu Guddoomiyuhu Sheegay In dadka Badankood Uu Dib Ugu Laabtay ka Dib Isbadelkii Maamul Ee Ka Dhacay Dhulka Somali State Wallow Ay Weli Jiraan Qoysas Ku Sugan Degmada Balan-bale Ee waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud…

Dhinaca kale Guddoomiyaha Oo hadalkiisa Sii Wata Ayaa Sheegay In Qoysaska Ku Haray balan-Bale Aysan Aheyn Dad Ku Talo Jira In Ay Dib Ugu Laabtaan Deegaanadii Ay Markii Hore Kasoo Barakaceen Isla-markaana Ay ka Mid Yihiin Shacabka Ku Dhaqan Degmada.

Ugu Dambeyn Guddoomiyaha Ayaa Waxa Uu Sheegay In ka Maamul Ahaan Aysan Wax Muuqda U Qaban Karin dadkaasi Marka Laga Reebo In Ay U Sameeyeen Xeryo Ay Degaan Waxa Uuna Maamulka Gal-mudug Iyo Dawladda Dhexe Ugu Baaqay In Dadkaas Caawimaad lasoo Gaaraan.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe