Home Dhageysi Dhageyso:- Fatahaada Wabiga Shabeelle oo saameyn ku yeelatay Shacabka Buulo burde.

Dhageyso:- Fatahaada Wabiga Shabeelle oo saameyn ku yeelatay Shacabka Buulo burde.

659

Wararka Ka imaanaya Magaalada Buula-burde Ee Gobolka Hiiraan Ayaa Waxa Ay kusoo Warramayaan In Fatahaadda Webiga Shabeelle Uu Saameyn Ballaaran Ku yeeshay Degmada.

Guddoomiyaha Degmada Buula-burde Ee Gobolka Hiiraan C/raxmaan Daahir Guure Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe ayaa Waxa Uu Sheegay In Fatahaaddu Webiga Ay Hakad Gelisay Isku Socodka Shacabka Ku Dhaqan Buula-burde isla-markaana Ay Biyuhu Go’doomiyeen Degmada.

Sidoo kale Gudoomiyaha Ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Khasaaro hantiyadeed Oo Xoog Leh Uu ka Dhashay Fatahaadda Isagoo Intaa Ku daray In Dadka Beeraaleyda Ah Ay halkaasi Ku waayeen Dalag fara-badan.

Waxa kale Oo Uu Xusay Guddoomiye Guure In Maanta Degmada Uu Ku Geeriyooday Wiil yar Oo ka Mid Ah dadka deegaanka Fatahaadda Webiga Awgeed.

Dhanka Kale Waxa Uu Sheegay In Wadaan Qorshe Ay Dib U Dejin Ugu Sameynayaan dadka danyarta Ah Ee Ku Dhaqan Magaalada Buula-burde Ee Gobolka Hiiraan.

Ugu Dambeyntii Waxa Uu Baaq U Diray Dawladda Dhexe Ee Dalka Iyo Madaxda maamulka Hir-shabeelle Isaga Oo Ka dalbaday In Gurmad Loo Fidiyo Dadkaasi.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Buula-burde:-