Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadfda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhinacyada Somaliland iyo Puntland ka dalbaday in ay si nabad ah kuxaliyaan colaada ka dhaxeysa ee la xiriirta xiisada degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka in xilligan lagu guda jiro bil barakeysan bil kheyrsan, sidaasi awgeedna aan loo baahneyn in la daadiyo dhiiga qofka muslimka ah.
“Waxaan rabaa inaan baaq u diro dhinacyada Somaliland iyo Puntland, inay nabad ku xaliyaan wixii khilaaf ah ee ka dhaxeeya, looma baahna in dhiig qof muslim ah la daadiyo, dagaalka cidna kuma macaashto, walaalayaal wixii nabad lagu heli karo yaan colaad loo bedelin.” Ayuu yiri R.W Ku-xigeenka dalka.
Madaxda maamulada Somaliland iyo Putland ayuu si gaara ugu baaqay in ay u istaagaan nabad ku wada noolaashaha labada shacab ee putland iyo somaliland.