Roobabkii Dabeylaha Watay Oo Dhawaan Ka Da’ay Dhulka Xeebta Ah Ee Puntland Ayaa Waxaa Ka Dhalatay Saameyn Ballaaran Oo Isugu Jira Khasaaro Nafeed Iyo Mid Hantiyadeed Intaba.
Deegnada Ay Roobabkani Ay Aadka U Saameeyeen Waxaa ka Mid Ah Dhulka Xeebta Ku teedsan Ee Puntland Iyadoona Khasaaraha Ugu Badan Uu Soo Gaaray kalluumeystada Xeebahaasi.
Qaar ka Mid Ah Kallmuueysatadaasi Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Khasaaro Xoog Leh Uu Kasoo Gaaray Roobabkaasi Iyagoo Sheegay In Ay Ku Waayeen Qaar Ka Mid Ah Gaadiidkooda.
Mustafe Max’ed Max’ud Maacir Oo Ka Mid Ah kalluumeystada Degmada Laas-qoray Oo La hadly Idaacadda Codka Gobollada Dhexe ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Gaadiid Badan Oo Gaaraya Ay Ku Waayeen Isaga Oo U Sababeeyey War-la’aan dar-teed OO Aan Loo Dirin Wax Digniin Ah Balse Fariimaha Digniinta Ah Ay Mar Dambe Billowdeen.
Dhinaca Kale Mustafe Ayaa Waxa Uu Sheegay In aan weli badda Lagu Celin Gaadiidka Balse Maanta Uu Jawigu Degan Yahay Oo Aysan Baddu Kacsaneyn.
Ugu Dambeyntii Waxa Uu Hoosta Ka Xariiqay In Ay cabsi Ka qabaan In Roobab Dabeylo Wata Mar kale ka Da’aan Degmada Dadkuna UDiyaar garoobay maadaamada Markii Hore Ay dharbaaxo Xanuun Leh Ku Dhacday..
Roobabkii Dabeylaha Watay Ee Ku dhuftay Waqooyiga Iyo bariga Soomaaliya Ayaa Waxaa Ka Dhashay Khasaaro Xoog leh Oo Soo Gaaray Dadka Ku Dhaqan deeganada Uu Roobkaasi Ka da’ay Wallow ay Xusid Mudan Tahay In 15-ruux Ay Ku dhinteen Roobab Mihiigaan Ah Oo Shalay Ka Da’ay Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Awdal Ee Soomaaliland.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Oo Dhameystiran:-