Friday, April 17, 2026
HomeWararSAWIRRO:- Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti Oo Heshiisyo dhowr ah kala saxiixday.

SAWIRRO:- Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti Oo Heshiisyo dhowr ah kala saxiixday.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliy Amb. Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo laba cisho ah booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayaa kulamo la yeeshay madaxda dalkaas.

Wasiir Cawad ayaa la kulmay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ballaaran ee laba dal iyo labada shacab ee walaalaha ah u dhexeeya.

Labada Wasiir ayaa kala saxiixay heshiisyo seddex ah oo uu ku jiro mid ku qotoma iskaashiga ammaanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti oo ay booqasho sharafeed ugu tageen Xarunta Madaxtooyada, waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo danaha labada dal ee walaalaha ah.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana intii ay booqashada ku guda jireen ay booqdeen xarunta Golaha Baarlamaanka iyo Machadka Diblomaasiyadda dalkaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe