Thursday, May 15, 2025
HomeDhageysiDHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya Oo Shiinaha ka kaashaneysa Dib U Dhiska Biyo Mareenada...

DHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya Oo Shiinaha ka kaashaneysa Dib U Dhiska Biyo Mareenada Caasimadda.

Maamulka gobolka Banaadir oo iskaashi ka helaya dowladda Shiinaha ayaa dhawaan qorsheynaya in dib u dhis lagu sameeyo goobihii biyo mareenada ahaa ee ku bur buray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Kulan gaar ah oo dhexmaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka socotay Dowladda Shiinaha ayaa looga hadlayin dib u dayactir lagu sameeyo goobihii biyo mareenada ee Muqdisho,kuwaas oo hadda ah kuwo bur bursan.

Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa xirma oo aan la isticmaalin xilliyada roobka uu ka da’o muqdisho taas oo ay dhibaato ku qabaan shacabka.

Xogheyaha guud ee Maamulka gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa sheegay in dhawaan qiimeyn lagu sameyn doono goobaha marin biyeedyada ah ee Muqdisho kuwaas oo burburay,isla markaana xiran.

Waxa uu sheegay in qorshayaal uu u dejiyey Maamulka gobolka Banaadir,iyaga oo kaashanaya dowladda Shiinaha ay dib u dayactir ku sameyn doonaan Goobaha biyo mareenada ah ee burburan.

Halkaan, Ka dhageyso:

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe