Degmada Jariiban oo dhacda Bariga gobolka Mudug ayaa saaka lagu dhawacay Wariye Farxaan Faarax Cabdi oo kamid ahaa Hawlwadeenada Radio Jariiban ee degmada Jaribaan.
Wariye Farxaan Faarax Abdi ayaa Tooray looga dhuftay Lugta Midigta ah Hilbowleheeda isagoona Aad u dhiig baxay kadib markii Nin Si Bareer ah Weerar ugu soo qaaday isagoo doonayey inuu Caloosha kasoo Rido dagaal dhexmaray ayuu kala helay Hilbowlaha lugta.
Wariye Faraxaan Faarax Cabdi ayaa Aad u dhiig Baxaya isagoo dhaqaatiirta in kabadan 3 Saac ay kula jiraan Qolka Qaliinka ee Isbitalka guud ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug.
Ugu Dambayn Wariyaha ayaa Looqaaday magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Halkaasi Oo Lagu Dabiibayo.
Halkaan KadhagaysoÂ

