Rag Hubeysan Ayaa Xalay Waxa Ay Jidka U Galeen Gaari Xamuul Ah Oo Marayey Deegaano Hoos Taga Degmada Cadale Ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Gaariga Ayaa Nuuciisa Waxa Uu Ahaa BG Waxa Uuna Ari Kasoo Qaaday Tuulo Lagu Magacaabo Nuur Faarax Oo Qiyaastii 43 Ilaa 45 KM Dhinaca Waqooyi Cadale kaga Beegan.
Gaariga Ayaa Kusii Jeeday Dhinaca Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho Basle Gaariga Ayaa Markii Uu Kusii Dhawaa Tuulada Garas-Weyne Waxaa Rasaas Huwiyey Rag Hubeysan Oo Jidka U Galay Gaariga.
Labo Ruux Oo Ka Mid Ah Rakaabkii Gaariga Saarnaa Ayaa Ku Dhaawacmay Rasaastaasi Waxaana Halkaasi Ku Rogmaday Gaarigii Maadaama Uu Wadihii Gaariga Ka Cararay Gaariga.
Balse Ciidanka Dawladda Ayaa hawl-Gal Ay Sameeyeen Waxa Ay gacanta Kusoo Dhigeen Raggii Gaariga Jidka U Galay Oo Hadda Lagu Hayo Gudaha degmada Cadale Ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Mid Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Oo Codka Gobollada Dhexe La Hadlay Ayaa Sharraxay Sida Ay Wax U Dhaceen.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Oo Dhameystiran:-