Home Warar Sawiro:-Sawiirka Waxbarashada oo Booqday Goobaha Imtixaanka Lagu Saxayo

Sawiro:-Sawiirka Waxbarashada oo Booqday Goobaha Imtixaanka Lagu Saxayo

79

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane, Xil. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta ay ka socoto shaqada imtixaankii Wasaaradda waxbarashada ay qaaday Sannad Dugsiyeedka 2018/2019 oo shaqaalaha wasaaraddu ay ku howlanyihiin dardargelinta dhameystirka xareynta xogta imtixaanka la saxay.

Wasiirka Waxbarashada Mudane, Xil. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee wasaaradda ka dhageystay warbixin ku aadan halka uu marayo dhameystirka howlaha imtixaanka.

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada ayaa mid mid u dul istaagay shaqaalaha qaabilsan dhameystirka imtixaanka waxa uuna ka wareystay habka uu u socdo howlaha imtixaanka.

“Waxaan maanta kormeeray xarunta ay ka socoto shaqada imtixaankii la qaaday ee sannad dugsiyeedka 2018/2019 oo ay shaqaalaha wasaaraddu si habsami leh u wadaan dardargelinta shaqadii loo idmaday.

Imtixaanka sixistiisa wuxuu soo maray wajiyo badan, isla markaana hadda uu marayo heerkiisa gaba-gabada oo ah xareynta imtixaanka la saxay, waxaana dhawaan shaacin doonnaa natiijada imtixaanka