Saturday, March 22, 2025
HomeBarnaamijyadaCiidamadii maanta laga diiwaangelinayay Cadaado oo la joojiyay

Ciidamadii maanta laga diiwaangelinayay Cadaado oo la joojiyay

Ciidamadii maanta laga diiwaangelinayay Cadaado oo la joojiyay

Saraakiisha ciidamada dowlada Somaliya ayaa maanta Cadaado ka bilaabay diiwangelinta ciidamada la qarameynayo hase yeeshee islamaanta ayaa la joojiyay diiwaangelinta ciidanka

Sargaal katirsan ciidamada dowlada ayaa pagekan Cadaado u sheegay in sababaha la joojiyay diiwaangelinta ciidanka ay salka ku heyso muran ka dhashay tirada ciidamada la qorayo

Saraakiisha kasocday dowlada dhexe ayaa sheegay in 200 (labo boqol)oo askari u diiwaangelinayaan reer Cadaado balse saraakiisha deegaanka ayaa sheegay inay hayaan 2000 (labo kun) oo askari loona baahan yahay in dhamaan la diiwaangalsho

Isfahan waaga tirada ciidamada la diiwaangelinayo ayaa ugu dambeyn keenay in la joojiyo ciidamadii laga diiwaangelinayay Cadaado

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay inaysan aqbali doonin tiro aysan ku qanacsaneyn in laga diiwaangalsho Cadaado waxayna sheegeen in dowlada Somaliya looga fadhiyo in magaalooyinka Galmudug ciidamo isla eg laga diiwaangalsho

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe