Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku qabtay gaadiid ay ku jireen rasaas, islamarkaana u socday xoogaga ururka Al-shabaab, ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 4 qof oo xiligaasi waday gaariga ay ku jireen rasaasta
Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Xidigle Faarax Maxamed Turbac oo la hadlay Idaacadda ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay rasaasta ay ciidamada gacanta ku dhigeen in ay tiro ahaan ay gaareyso 15,000 oo ah rasaasta loo isticmaalo qoryaha AK-47 ah iyo qoriga daba-jeexa
Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in rasaastaan ay ciidamada qabteen loo waday Al-shabaab oo fariisin ku leh tuulada Ray’dab oo 40-KM u jirta degmada Baardheere
Wuxuu sheegay ragga gaariga ku waday rasaasta in ay damceen in ay iska laalushaan ciidanka, iyaga oo u balan qaaday lacag dhan Saddex Kun oo dollar, balse ciidanka ayaa raggan ku war galiyay in ay yihiin ciidan qaran, sidaasina ay ku qabteen hubka.
Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in rasaastan ay Al-shabaab doonayeen in ay ummada Soomaaliyeed ee muslimiinta ah ku dhibateyaan.
Ururka Al-shabaab weli wax war ah kama aanay soo saarin hadalkan ka soo baxay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku aadan in ay gacanta ku dhigeen hub badan oo Shabaabka xagooda ku socday.