Home Barnaamijyo Sawiro: Isku socodka gaadiidka ee magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho oo hakaday

Sawiro: Isku socodka gaadiidka ee magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho oo hakaday

106

Waxaa hakad kuyimi gaadiidka isaga kala goosha magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho , kadib markii Deegaanka Alxamdulilaah uu ku dhacay gaari xamuul ah oo siday xoolo .

Saddex qof oo kamid ah kuwii saarnaa gaariga dhacay ayaa sidaan xogta ku helnay dhaawacyo soo gaareen , waxaana waxyeelo sidoo kale ka soo gaartay xoolihii saarnaa .

Gaadiidka inta badan ka imaanaya dhinaca Boosaaso ayaan gudbi karin maadama wadada bartankeeda uu gaarigu ku dhacay .

Isha warkan Kasmaal Media