Home Warar Sawiro: 58 maxbuus ah oo loo wareejiyay xabsiga weyn ee laga dhisay...

Sawiro: 58 maxbuus ah oo loo wareejiyay xabsiga weyn ee laga dhisay xerada Asluubta

199

Xabsigii waynaa ee laga dhisay Xerada Asluubta ee cirifka Muqdisho ayaa si rasmi ah loo geeyay 58 Maxbuus oo laga wareejiyay Xabsiga dhexe ee Xamar.

Maxaabiistaan ayaa noqday kuwii ugu horeeyay ee xabsigaasi lagu xiro tan iyo markii xariga laga jaray.

Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliyaha Booliska, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo mas’uuliyiin kale ayaa goob joog ahaa.