Wednesday, March 19, 2025
HomeWararSawir:- Wasiir Beyle Oo Kormeeray Xarunta Tira koobka Shaqaalaha Dowaldda

Sawir:- Wasiir Beyle Oo Kormeeray Xarunta Tira koobka Shaqaalaha Dowaldda

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle Ayaa Maanta Waxa Uu Kormeer Shaqo Ku tagay Xarunta Tira Koobka Shaqaalaha dawladda Soomaaliya.

Wasiir Beyle Waxa Uu Sheegay In Hadda Lagu Mashquulsan yahay Tiro Koobka Iyo Hubinta Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Hadalka Qoraal Ah Oo Uu Wasiir Beyle Soo Dhigay Bartiisa Twitter-ka Ayaa Waxa Uu Qornaa Sidan:-“Waxaan maanta kormeeray Xarunta tira koobka Shaqaalaha Dowaldda oo hadda Gudiga qaabilsan ay ku howlanyihiin Tirakoobka iyo hubinta Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.”

C/raxmaan Ducaalle Beyle wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Muddooyinkii Dambe waxa Uu Waday dadaallo dheeraad Ah Oo Uu Ku Doonayo In Uu Ku Hubiyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe