Dagaal ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa kenya iyo Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-maray degaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka dhashay qasaaro kala duwan.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Kulbiyow oo hoostaga Dagmada Badhaadhe Ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday muddo dhowr saacadood ah.
Dadka degaanka Kulbiyow ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Kenya & Al-Shabaab, balse aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay maadaama dadka Shacabka ah aysan tegi karin goobaha lagu dagaalamo.
Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Kulbiyow ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkii dhacay ay ku dhaawacmeen laba kamid ah askarta Ciidamada Kenya.
Dagaalka ka dhacay degaanka Kulbiyow ee Gobolka jubbada hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii la soo dhaafay uu dagaal ku dhex-maray degaanka Hosingow ee Gobolka Jubbada Hoose Ciidamo Kenyan ah oo ka tirsan AMISOM & Al-Shabaab.