Tuesday, May 20, 2025
HomeWararMadaxweynaha Galmudug oo ka laabtay go’aan uu qaatay

Madaxweynaha Galmudug oo ka laabtay go’aan uu qaatay

Guddiga doorashada ee Maamulka  Galmudug ayaa saaka la xareeyay, iyagoo ku biiray tababarka uga furmay Hotelka Peace ee Magaalada Muqdisho Guddiyada doorasho ee heer dowlad goboleed.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa horay u dalbaday in Guddiga dhinaca galmudug ka socda lag reebo guddiyada la xareeynayo, balse xalay xilli dambe uu amray in la xareeyo, iyada oo ugu dambeyn Maanta uu tababar u furmay guddiyada.

Guddiyada la xareeyay ee tababarka uu u furmay ayaa ka kala socda Maamulada, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo Xukuumadda Soomaaliya ay ku biirisay min saddex Xubnood.

Tallaabada Madaxweyne Qoorqoor ku go’aansaday in la xareeyo guddigii doorashada ayaa meesha ka saareysa dhex dhexaadintii uu ka dhex waday Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweyne Farmaajo oo ku mursansan Guddiyada doorashada ay dowladda Magacaawday.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa la filayaa in uu Maanta soo gaaro magaalada Muqdisho si uu u bilaabo dhex-dhexaadinta uu ka dhex waday Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweyne Farmaajo , iyada oo Musharixiinta qaar ay dood geliyeen in aanu daacad ka aheyn dhex dhexaadinta uu wado.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe