Saturday, March 7, 2026
HomeWararSafiirka Soomaaliya Ee Suudaan Oo Shaaciyey Tirada Maxaabiista Soomaaliyeed Ee Ku Xiran...

Safiirka Soomaaliya Ee Suudaan Oo Shaaciyey Tirada Maxaabiista Soomaaliyeed Ee Ku Xiran Xabsiyada Dalkaasi

Safiirka dowladda Soomaaliya ee fadhiya dalka suudaan Cabdirisaaq Axmed Shoole oo lahadlay warbaahinta  ayaa waxaa uu ka hadlay  xaaladda maxaabiista ee  Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalkan, kaddib kormeer uu ugu tagay maxaabiis ku jirtay xabsiga Koobar.

Danjiraha ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Suudaan fulinta codsigii Safaaradda ee ku aaddanaa in laga wareejiyo maxaabiista soomaaliyeed xabsigii hore ee ay ku jireen, loona wareejiyey xabsi kale oo ay codsadeen, arrintaas oo haatan ay fulisay Dowladda Suudan.

Sidoo kale Safiirka ayaa waxaa uu tilmaamay in lix qof oo kaliya ay yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalka suudaan , taas oo noqonaysa mid aad u yar markii loo eego tirade guud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Suudaan.

Safiirka ayaa shaaca ka qaaday in  muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Lixda ah ee ku jira xabsiyada dalkan, dacwadaha lagu soo oogay, xukunnada lagu riday iyo muddada ay haatan xiran yihiin.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Khartoum ayaa xoogga saareysa sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkan, iyadoona la qaadi doono tallaaboyinka sharci iyo diblumaasiyadeed ee ku aaddan arrinkan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe