Qaraxa oo jugtiisa inta badan laga maqlaya Degmooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho,ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay Saddex Ruux mid ka mid ah aheyd Haweeney wadada mareysay.
lama oga cida lala damacsanaa Qaraxa Gaariga lagu soo buuxiyay ee halkaasi lagu qarxiyay,waxaana wararka qaar ay shegayaan in goobta qaraxa uu ka dhacay ay ku taalo Maqaayad lagu Magacaabo Baar Italia oo dhawaan halkaasi laga furay.
Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Gadiidka Gurmadka Deg deg ah,iyo sidoo kale Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya,waxaana Ciidamo ay xireen Goobta uu qaraxa ka dhacay si ay baaritaano u sameyaan.

