Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Axmed Juma Rumeythi ayaa maanta xariga ka jaray Qunsuliyad ka shaqeyn doonta isla markaana fududeyn doonta dal ku galka dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay u safraan dalka Imaaraadka Carabta.
Danjire Axmed ayaa sheegay in xaruntan loo furay in dal ku galka dalkaas lagu soo galo ayna qeyb ka tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo midowga Imaaraadka Carabta iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa horay ugu heshiiyay in laga wada shaqeeyo xoojinta xiriirka labada dhinac oo uu kow ka yahay fududeynta isu socodka gaadiidka.
Danjire Axmed Juma Rumeythi ayaa ah safiirkii ugu horeeyay ee Imaaraadka Carabta u jooga magaalada Muqdisho oo xariga ka jaray xarun bixisa dal ku galka dalkiisa tan iyo markii ay dhacday dowladdii militariga.

