Monday, April 20, 2026
HomeWararGudahaDowladda Mareykanka oo bogaadisay doorashadii taariikhiga ahayd ee Puntland ka dhacday.

Dowladda Mareykanka oo bogaadisay doorashadii taariikhiga ahayd ee Puntland ka dhacday.

Dowladda Mareykanka ayaa ugu hambalyeysay madaxda iyo shacabka Puntland doorashadii goleyaasha deegaanka ee dhawaan ka dhacday gobolka Nugaal.

Qoraal la soo dhigay barraha bulshada ee X (Twitter-ka) safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu bogaadiyay doorashada oo ay ku tilmaantay tallaabo wax ku ool ah oo loo qaaday dowladnimada iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya iyadoo xustay in kumanaan reer Puntland ah ay ka qeybgaleen doorashada.

Doorashada ayaa markii hore loo qorsheeyay sanadkii hore balse dib ayaa loo dhigay sababo la xiriira arrimo badan oo dhanka ammaanka ah iyo khilaafyo siyaasadeed Qodobadaas waxaa ka mid ahaa eedeymo la xiriira in la qabsaday oo la burburiyay agabkii doorashada iyo eedeymo loo jeediyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Mucaaradka ayaa ku dhaliilay Deni inay ku eedeeyeen inuu dhaqaale u leexiyo arrimo olole iyo wax ka bedel aan sharci ahayn oo dastuurka, taasoo ay ku andacoonayaan inay sii fogaysay kala qaybsanaan iyo khilaafaad beeleed.

Iyadoo ay jiraan caqabadahaas haddana waxaa la sheegay in jawiga siyaasadeed uu soo hagaagay tan iyo markii Madaxweyne Deni dib loo doortay.

Todobaadkii hore ayaa Qaramada Midoobay waxay sidoo kale ugu hambalyeysay shacabka Puntland sida nabada leh ee ay doorashadu uga qabsoontay degmooyinka Garoowe Dangoroyo iyo Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal. Munaasabadan oo ahayd mid taariikhi ah ayaa ka dhigan in Puntland ay noqonayso maamul-goboleedkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka dhaca oo doorasho noocan oo kale ah ka dhacda goleyaasha deegaanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

21 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe