xarunta taliska qeybta 43-aad ee magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay kulan xasaasi ah oo looga hadlayay dardar gelinta duulaanka ka dhanka ah argagixisada Jubbaland Kulankan oo ay isugu yimaadeen saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka iyo ciidamada gobolka ayaa lagu soo bandhigay dedaalada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaalanka falalka nabad diidka ah ee ka socda gobolka.
Kulankaan ayaa waxa uu barbar socdaa wada tashiyo istiraatijiyadeed oo uu dhawaan bilaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii bishan July kulan isugu yeeray Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada ugu sareysa Muqdisho. Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu Madaxweyne Maxamuud warbixin ku saabsan ololaha dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ka dhageystay, isagoo si gaar ah diiradda u saaray guulaha la taaban karo ee laga gaaray Jubbaland.
Horaantii todobaadkan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 80 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerarradii Buulo Xaaji, Xarboole, iyo Baar Sanguuni Isniintii. Weerarkii dhawaan lagu qaaday deegaanka Buulo Xaaji oo 80-KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana tani ay muujineysaa xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.
Kordhinta howlgallada ciidamada ayaa ka tarjumeysa sida ay dowladda uga go’an tahay sugidda amniga Jubbaland iyo wax ka qabashada khatarta joogtada ah ee Al-Shabaab.

