Home Barnaamijyo Rwasaare oo doonaya inuu wiiqo awooda Ahlu Sunna iyo Macalin Maxamuud oo...

Rwasaare oo doonaya inuu wiiqo awooda Ahlu Sunna iyo Macalin Maxamuud oo ciidamo qoranaya

367

Rwasaare oo doonaya inuu wiiqo awooda Ahlu Sunna iyo Macalin Maxamuud oo ciidamo qoranaya.

Xasan Cali Khayre Rwasaaraha dalka ayaa wada qorshe uu ku doonayo inuu ku wiiqo awooda Ahlu sunna islamarkaana meesha ka saaro awooda ciidan ee 10kii sano ee lasoo dhaafay Ahlu Sunna ku maamulayeen magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Khayre ayaa ciidamo isku jira milateriyo, nabad sugid iyo boolis ku diyaariya qeybo kamid ah Galmudug halka ciidamadaas qaar la geeyay Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Rwasaaraha ayaa qorsheynaya in gabi ahaan uu burburiyo ciidamada Ahlu Sunna isagoo isticmaalya ciidamada dowlada iyo ciidamadii Ahlu Sunna qaarkood ee la qarameeyay.

Macalin Maxamuud oo ka didsan qorshaha Rwasaare Khayre ayaa todobaadkan bilaabay inuu qorto ciidamo cusub oo lagu saleynayo dariiqada Suufiyada.

Xogta Cadaado Media Group heleyso ayaa sheegaya in ciidamad Macalinka qoranayo ay yihiin wadaado xerow ah oo laga kala keenay deegaano dhowr ah oo katirsan Mudug iyo Galgaduud.

Warar hoose ayaa sheegaya in saacadaha ama maalmaha soo socda Ahlu Sunna amri doonaan in garoomada Dhuusamareeb iyo Guriceel aysan kasoo degi kari madaxda dowlada islamarkaana burburay heshiiskii jiray.

Maanta ayay aheyd markii la shaaciyay waraaqad digniin ah oo Ahlu Sunna u direen Khayre.

Khayre iyo Farmaajo ayaa la sheegayaa inay sidoo kale wadaan qorshe ciidamo Amisom ah lagu geynayo Dhuusamareeb si loo riixo awooda ciidan ee Ahlu Sunna.

Lama oga halka ay ku dambeyn doonaan qorshaha Khayre iyo iska caabinta macalin Maxamuud.