Wednesday, November 6, 2024
HomeWararRW Xamse Barre oo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir hoggaaminaya 40 Shirkadood

RW Xamse Barre oo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir hoggaaminaya 40 Shirkadood

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan wefti ay hoggaaminayso wasiirka maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Sudan Marwo Axlaam Madani Mahdi, waxaana xalay qaabilay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre.

Weftiga wasiirka maalgashiga ee Sudan ayay la socdaan illaa 40 shirkadood oo laga leeyahay dalka Sudan, kuwaas oo ka qaybgelaya madasha iskaashiga iyo maalgashiga ee Soomaaliya iyo Sudan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo arrintan lagu faahfaahiyey ayaa u dhignaa sidan:

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axlaam Madani Mahdi, oo hoggaaminaysay wafdi ganacsato u badan oo ka qeyb-galay Madasha Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal, isagoo sheegay in maalgashadeyaasha reer Suudaan ay uga bannaan tahay Soomaaliya fursado maalgashi oo aad u ballaaran, iyadoo ay si gaar ah u caawineyso ganacsatada Suudaan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah.

Dhankeeda, Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axlaam Madani Mahdi ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagatay sida ay ugu faraxsan tahay ka qeyb-galka Madasha Iskaashiga iyo maalgashiga SOMSUDAN, waxa ayna xustay in wafdigeeda ay ka mid yihiin 40 shirkadood oo ganacsi oo laga leeyahay dalka Suudaan, kuwaas oo danaynaya inay maalgashiga ku sameeyaan Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe