Tuesday, May 26, 2026
HomeWararRW Xamsa oo faray Howlwadeennada Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira in ay si...

RW Xamsa oo faray Howlwadeennada Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira in ay si hufan ugu adeegaan bulshada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo Safar shaqo ku jooga Dalka Masar ayaa kulan la yeeshay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan qaabka u shaqeyso safaaradda Danjiraha Ilyaas Sheekh Cumar iyo hawlwadeennada oo ka hadlay baahiyada ay qabaan iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Howlwadeennada Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Masar ku boorriyay in ay si hufan shaqadooda u gutaan, isla markaana si daahfuran ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe