Thursday, July 16, 2026
HomeWararDibaddaRW Xamsa Cabdi Barre oo Dalka Qadar kula kulmay Saraakiil katirsan CXD...

RW Xamsa Cabdi Barre oo Dalka Qadar kula kulmay Saraakiil katirsan CXD oo lagu tababarayo Dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan Dalka Qadar ayaa Magaalada Dooxa kula kulmay Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo dalkaas tababar ku qaadanaya.

Xamsa Cabdi Barre ayaa saraakiishaan waxa uu la wadaagay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee socda, ahmiyadda ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya siisay dagaalkaas iyo doorka uga aaddan marka ay tababarkooda dhammeystaan.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi ayaa shaaciyay in rejada Soomaaliyeed ay tahay in saraakiishaan hormuud u  noqdaan howlgallada ka socda dalka marka ay tababarkooda soo idleystaan.

Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Dowladda Qadar uga mahadceliyay dedaalka xooggan ay gelisay tababarka la siinayo saraakiisha iyo guud ahaan garab istaagga Xukuumadda Dooxa ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Magaalada Dooxa ee Caasimadda Dalka Qadar kula kulmay Madaxda Dalkaas, xubno katirsan Rugta Ganacsiga iyo dhinacyo kale oo Soomaali ah oo dalkaas ku sugan isaga kala hadlay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ & Maalgashiga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe