Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa imtixaan shaqo u furay hawlwadeeno caafimaad oo gaaraya ilaa 58-ruux oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaas oo u tartamaya 6-boos oo kala Dhaqtar qaybta quudinta, kalkaaliye qaybta nafaqada ah, 2-boos oo talaal ah oo Godinlabe iyo Dhagaxdheer ah , 1-boos oo cabiraada carruurta ah iyo qof wacyigaliye ah
Hawlwadeenada oo ay qaadanayso hay’adda Save the Children ayaa ka shaqayn doona xarumaha caafimaadka hay’addu maamusho ee ku yaal Cadaado iyo deegaano kale, waxaana furitaanka imtixaanka goobjoog ka ahaa agaasimaha waaxda arrimaha bulshada degmada Cadaado Cabdiraxmaan Diiwaan iyo isuduwaha hawlaha caafimaadka degmada Dr Cabdi kaafi Cabdullaahi.
Guddoomiye Faarax ayaa bogaadiyey ka qaybgalayaasha imtixaanka oo ka soo gudbay wajigii hore ee qiimaynta, waxaana uu adkeeyey in si cadaalada lagu kala saari doono soo codsadayaasha boosaskan shaqo ee ka banaan xarumaha caafimaadka.
Privacy Policy
This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

