Home Uncategorized RW Rooble oo Wasiiru dowlaha Xafiiskiisa u xil-saaray dardar gelinta doorashooyinka{AKHRISO}

RW Rooble oo Wasiiru dowlaha Xafiiskiisa u xil-saaray dardar gelinta doorashooyinka{AKHRISO}

173

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiiru Dowlaha Xafiiskiisa Cabdi Xakiim Xasan Ashkir u xil saaray dardar gelinta howlaha doorashooyinka dalka.

Xili weli muran xoogan uu ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka ayaa Cabdi Xakiim Xasan Ashkir waxaa loo xilsaaray isku xirka iyo wada shaqeynta Xukuumadda, dowlad Goboleedyada iyo Hey’adaha Caalamiga howlaha la xiriira habsami u socodka doorashooyinka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa la faray Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha in uu dardar geliyo howlaha loo igmaday ee ah isku xirka iyo wada shaqeynta Xukuumadda, dowlad Goboleedyada iyo Hey’adaha Caalamiga howlaha la xiriira habsami u socodka doorashooyinka.

“ Iyda oo laga amba qaadayo habraaca hirgelinta heshiiska siyaasadeed ee hagaya doorashada 2021 ee guddiyada heer federaal, xalinta khilaafaadka ee heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federal lana meelmarinayo qodobada heshiiskii Muqdisho lagu gaaray 1-kii Bishii Semtember ee la xiriiray doorashooyinka  ayaa waxaa Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loo xil saaray dardar gelinta & taaba-gelinta howlaha doorashooyinka ayaa lagu yiri” Qoraalka Ra’iisul Wasaaraha.

Tallaabada uu qaaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ay kusoo aadayaa xilli maalmo ka hor uu ku dhawaaqay hirgelinta & bilaabida doorashooyinka oo uu weli muran ka taagan yahay, hadalkaas oo ay kasoo horjeesteen Midowag Musharixiinta iyo Saamileyda siyaasadeed ee dalka.