Thursday, April 30, 2026
HomeWararCiidamada GALMUDUG oo maanta qarax fashiliyey

Ciidamada GALMUDUG oo maanta qarax fashiliyey

Ciidamada ammaanka Galmudug oo howl-gallo ka sameeyey Dhuusamareeb ayaa fashiliyey qarax la doonayey in laga fuliyo magaaladaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu aasay goob fariisin u ah ciidamada ammaanka oo ku taalla bartamaha Dhuusamareeb, iyada oo laamaha amniga ay soo saareen.

Taliska Booliiska Dhuusamareeb oo ka warbixiyey howl-galladaas ayaa sheegay inay ka war-heleen qaraxa, islamarkaana ay fashiliyeen.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi ku daray in miinadaas la doonayey in lagu waxyeelo dadka shacabka ah.

Ciidamada Galmudug ayaa maalmihii u dambeeyey baaritaano dheeraad ah ka waday Dhuusamareeb iyo deegaanada ku xeeran, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Dhuusamareeb ayaa waxaa si wadajir ah uga howl-galada ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda oo alaaba baaritaano ka sameeya halkaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe