Thursday, April 30, 2026
HomeWararRa’iisul Wasaarihii dalka Kuweyt oo is casilay

Ra’iisul Wasaarihii dalka Kuweyt oo is casilay

Ra’iisal wasaaraha dalka Kuwayt Shiikh Sabaax Al-Khalid Al-Sabaax ayaa iscasilaadda xukuumaddiisa u gudbiyay Amiirka dalka  Shiikh Nawaaf Al-Axmad maanta oo Arbaca ah sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalka Kuwayt.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii wasiirro ka tirsan xukuumadda ay shalay is casilaadooda u gudbiyeen ra’iisal wasaaraha.

Xubno ka tirsan  baarlamaanka dalkaas ayaa hore u codsaday in ra’iisal wasaaruhu hor yimaado baarlamaanka si wax looga waydiiyo qaab dhismeedka xukuumadda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe