Friday, March 29, 2024
HomeWararRW Rooble oo Amray in gacanta lagu soo dhigo dadkii Saraakiisha laayay

RW Rooble oo Amray in gacanta lagu soo dhigo dadkii Saraakiisha laayay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa marka hore uga tacsiyadeeyay Ehellada iyo saaxiibadii Saraakiishii ka tirsanaa Ciidamada millateriga Soomaaliya ee lagu dilay duleedka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlayay munaasabad loogu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in saraakiisha ay ahaayeen kuwo u adeegayo Bulshadooda, hayeeshee ay dileen dad arxan laawayaal ah oo diidan horumarka socda.

Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug iyo laamaha Amniga ayuu ku amray inay si deg deg ah gacanta ug soo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay Saraakiisha ka tirsanaa Ciidamada qeybta 21aad, isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay gacan ku siin doonto.

Saraakiisha la dilay oo tiro ahan gaaraya lix ayaa xilliga la dilayay waxaa ay ka tageen Xero Ciidan oo ku taalla degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana dilkooda la sheegay in uu salka ku haayo aanooyin qabiil, balse Taliyaha Ciidanka xooga uu sheegay inay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe