Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada.
“Ummadda Soomaaliyeed haatan waxay go’aansadeen in ay iska dulqaadaan culeyska argagixisada Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu xalay ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhiggayey Filim ka hadlayey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Mudane Xamza ayaa intaas ku daray in xilli dhow ay Soomaaliya noqon doonto meel ka caaggan argagixiso, wuxuuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo cudurrada daashaday dalkeenna ee ay ka mid yihiin argagixisada, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa.

