Thursday, July 30, 2026
HomeWararDibaddaDiyaarado dagaal oo duqeymo xoogan ka geystay gobolka Galgaduud

Diyaarado dagaal oo duqeymo xoogan ka geystay gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka geysteen nawaaxiga deegaanka Ceel lahelay oo shalay dagaalo xoogan ku dhexmareen ciidanka dowladda iyo kuwa As oo weerar ku qaaday deegaankaas.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in diyaaradaha dhowr gantaal ay la beegsadeen goobo la sheegay iney ku sugnayeen koox ka mid ah Shabaabkii weeraray deegaanka Ceel lahelay.

Weerarkaan duqeynta ah ee ka dhacay saakay nawaaxiga deegaanka Ceel lahelay ayaa loo badinaya iney fuliyeen diyaaradaha dowladda Mareykanka ee ciidamada Soomaaliya ka taageera dhanka cirka ah.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan ay geysteen diyaaradaha dagaalka, waxaana xusid mudan in jugta duqeyntaasi laga maqlaayay saaka deegaano ka fog fog Ceel lahelay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ku sugan.

Duqeyntaan ayaa noqoneysa mid daba socota dagaalkii cuslaa ee shalay galinkii dambe ciidanka dowladda iyo As ku dhexmaray deegaanka Ceel lahelay, kaasoo la soo warinayo inuu ka dhashay khasaare xoogan oo kala gaaray labada dhinac.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug waxa mudooyinkii dambe ka socday dagaalo qaraar oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo maleeshiyaadka As.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe