Iidoole, September 15, 2023. Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo ay whliyaan xoghayaha degmada Cabdiraxmaan Axmed Xirsi , agaasimaha waaxda arrimaha bulshada Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi, agaasimaha waaxda qorsheynta Galad Axmed Cabdi , xubno ka tirsan golaha deegaanka iyo madaxa tuulooyinka degmada Cadaado ayaa safar kormeer iyo u kuurgal ah ku tagay deegaanka Iidoole oo Cadaado dhinaca bari uga beegan 30km.
Maamulka deegaanka ayaa soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka degmada, waxaana intaasi ka dib dhacay kulan is xogwareysi ah oo ka dhaxmaray maamulka iyo waxgaradka deegaanka oo dhinac ah iyo mas’uuluyiinta degmada.
Dadka deegaanka ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee deegaanka, waxaana ay sheegeen in dib u dhac weyn uu ku yimid deegaanka sababo la xariira is qab-qabsi dhanka maamulka ah oo hadda maamulka degmada Cadaado uu xaliyey.
Waxaa dadka deegaanka ay uga mahadciliyeen maamulka sida uu uga shaqeeyey sanado badan kadib in xal loo helo khilaafaadkii ragaadiyey deegaanka oo sababay inaan horumar laga samaynin adeegyada bulshada.
Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Cadaado iyo agaasimaha waaxda arrimaha bulshada dowladda hoose ayaa dhankooda ku amaanay bulshada Iidoole sida ay u garowsadeen in ay yeesheen maamul ay ku mideysanyihiin muddo dheer kadib, waxaana ay kula dar-daarmeen in midnimadooda ay sii xoojiyaan.
Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa dhankiisa sheegay in ka maamul ahaan ay ka shaqeyn doonaan horumarinta deegaanka Iidoole iyo wax ka qabashada baahiyaha aas aasiga ah ee ka jira oo ay ugu horeeyaan caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo isgaarsiinta deegaanka oo aad u liidata.
Bulshada deegaanka ayuu gudoomiyhu kula dar-daarmay in ay ka fogaadaan khilaafaadka soo laalabtay ee dib u dhigay deegaanka , kana wada shaqeeyaan horumarkiisa.
 

