Home Barnaamijyo Raisul Wasaaraha Xukuumada Somaliya iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya oo...

Raisul Wasaaraha Xukuumada Somaliya iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya oo Dhagax Dhigay Mashaaric Laga Fulinayo Degmada Xudur

98

Raisul Wasaaraha Xukuumada Somaliya iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya oo Dhagax Dhigay Mashaaric Laga Fulinayo Degmada Xudur
________________________________________________ Xudur 11-09-2019:

Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somaliya Mudane Xasan Ali kheyre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Manta Si wadajir ah udhagax dhigay Mashaariic Kala Gedisan oo laga Fulinayo Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

Ispitaalkii Hore Degmada Xudur oo ka muuqday Burbur bahsan ayaa Madaxda ay Dhagax dhigeen Waxaana la doonaya in Sida ugu Dhow Loo Dhiso Si Bulshada Reer Xudur ay uheelaan Adeeg Dhamaystiran oo dhanka Cafimaadka ah

Sido kale Raisul wasare Xasan Ali kheyre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka kgs mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Dhagax Dhigay Dhismo Cusub oo loo Dhisayo Gobolka Bakool Kaasi oona Iska kaashanaya Dhismihiisa DFS iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxda oo ku guda Jira fulinta Mashaariicda ayaa Xariga ka jaray Wado Lagu Taagay Nalalka Cadceeda ku Shaqeeya ee loo yaqaana Solarka Kaasi oo Fulintiisa iska Kaashaday JPLG iyo Wasaarada Maaliyada Kg

Sido kale Madaxda oo ku guda jira Shaqo maalmeedka ay ujoogan Degmada Xudur ayaa Kormeeray Ceelalka Biyaha ku yaala Duleedka Degmada Xudur Halkaasi oo ay ugu kuura galayeen Sidii ay usoo indho indheyn lahayeen Xoolaha halkaasi Loo keena Waraabka

Mashaariic fulin iyo kormeer ka Dib Madaxda ayaa Si wadajir ah Garoonka Kubada Cagta Dr Waaberi ugula kulmay ku Dhowaad 800 boqol oo Askari kuwaasi oo lagala hadlayey Sidii ay ugu Diyaar garoowi lahayeen Xureynta Degmooyinka Rabdhuure iyo Tiyeeglow

Raisul Wasaraha Dalka Mudane Xasan ali kheyre ayaa Ciidanka ubalan Qaaday inay Heli Doonan Munsharadkooda iyo Aqabkooda Dhamaystiran Waxaana uu kula Dardarmay inay ku Dadaalan sidii Kooxaha Argigixisada ee Alshabaab uga Sifeyn lahayeen Guud ahaan Gobolka Go.doonsan ee bakool