Home Warar Qarax Goordhow ka dhacay Muqdisho

Qarax Goordhow ka dhacay Muqdisho

170

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Dekadda weyn ee Magalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid lagu dhejiyay gaari uu watay Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed,kaas oo noociisu yahay Saaruf,hayeeshee uu qarxay markii uu marayay afaafka hore ee dekadda weyn ee Muqdisho.

Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in sarkaalka watay gaariga uu soo gaaray dhaawac culus,kaas oo magaciisa lagu sheegay Genaral Mohamed Dore kana tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo hakiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka maadaama halka qaraxa uu ka dhacay ay in badan isticmaalaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.